ANIGU TAAKULAAN AHAY
WADANI DIIRNAXAAN AHAY
WAXAA DIIRKU II NAXAY
MALAAYIIN DADKAYGOO
BADAAS DULIN KU CUNAYOO
FARIIN WAXAN U DIRAYAA
MUHAAJIRKA TAHRIIBIYO
MIDKA DAABULAAYEE
EEBOOW DAREENSII
BADII BAA TIRAABTOO
KUU BAROORANEYSOO
KUGU TIRI FARIINTAAN
KAN MUHAAJIRKAAHOO
ISOO BEEGSANAAYOOW
WAXAAN AHAY BOGWEYNOO
BAHALAYGU HOOSNOOL
KII II BAREEREE
QABAAL SOO DULFOOLOO
BIIME GELIYA NOLOSHIIS
DHIMASHAW BISHAARA AH
WAXAN AHAY MID AAN BIXIN
BARBAARKII IS BIDA EE
BEDENKAYGA SOO GALA
WAXA BOOBA BAHALAHA
BEDKA HOOSE JIIFOO
WAA BARAAROHOODEE
CALOOSHOODA BUUXSADA
KAN NAFTIISA BI’IYEE
ISAGOO OGAAL U AH
BIIMAHAW BAREEROOW
DHIBKAAD DUNIDA MUDATIYO
WAXKASTOO DHIBAATO AH
ADIGAA MASUUL KA AH
AAKHIRANA NAARTAAD
KU DABAALAN DOONTAA
AAN TALO KU SIIYEE
ADIGUNA MAR II HOGO
SIDEY DIINTU NAGU TIRI
KAN HALIGA DADKIISOO
SHILIMADA KA RAADSADA
JID HALAAG KU SUGAN YAHAY
INTUU RUUX HALIGO OO
UU NAFTOODA EERSADO
ISAGAA MASUUL KA AH
IFKA WAW HALAAGOO
KUMA HELAYO RAXOO
KULAYL BUU KA QAADAA
AAKHIRANA NAAR BUU
KU HURAA JIIRKIISUYE
WALAAL HAW BAREERINE
ILLAAHII KU UUNTAA
RISIQAAGA HURAY OO
HADBA WUXUU KU SIIYAA
WIXII AAD KA DOONTEE
INTAAD NAAR KU HURI LAYD
NOLOL KALE KA DAYDAYO
_______________________
#TAAKULO NGO
Website: www.taakulosom.org
Email: mahdi@taakulosom.org
Email: taakulo@hotmail.com
________________________